Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxda Maamul goboleedyada (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
 
Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.
Qado sharafta Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Madaxda Maamul goboleedyada dalka aya aintii ay socotay la sheegay in ay si hoose uga wada hadleyn sidii looga gudbi lahaa caqabadaha yar yar ee ku horgudban furitaanka shirka loo balan sanyahay.

Related posts

Kenya oo Ku Hor Kuftay Caddaalladda Caalamka iyo Soomaaliya oo guul gaartay !!

Cabdi Cade

Jim Langevin: “Ciidankeena oo Somalia laga saaro waa iyadoo la isku dhiibay Al-Qaacidda”

Caydiid Ali

Dil Muqdisho loogu geestay Darawalkii Gudoomiye Maxamed Ismaaciil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---