Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dil gelinkii dambe ee maanta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano Cabdalla Shideeye ay rag hubeysan ugu geysteen wiil dhalinyaro ah.
Goob-joogayaal ayaa sheegay ragga hubaysan markii ay dilka gaysteen ka dib muuqaal inay ka duubeen maydka marxuumka, taasoo dadkii arkaayay la yaab ku noqotay.
Ragga dilka gaystay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay Saddex ruux, ninka dilka fuliyay ayaa wuxuu ahaa nin da’ wayn sida dadkii arkayay ay ku waramayaan.
Goob joogayaal ayaa sheegay wiilka la dilay uu gacanta naafo ka ahaa, kaasoo si weyn looga garanayay Cabdalla Shideeye.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyada dilkan, iyadoo waray faafisay wakaalada kooxdaas wararka u faafisa lagu sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa sirdoonka dowlada Somalia inkastoo aysan soo bandhigin cadeymo arintaas la xiriira.
Maalmo ka hor ayaa baraha bulshada waxaa aad loogu hadal hayay muuqaal kooban oo muujinaya nin dil u geysanaya nin kale oo saarnaa gaari caasi ah, waana wax ku cusub oo aan looga baran kooxaha dilalka geysta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com