Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax goor dhow ka dhacay degmada Ceelwaaq & Khasaare nafeed oo ka dhashay

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu barqanimadii maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo kaasoo daryankiisa laga maqlay xaafadaha degmadaas iyo degaanada ku dhow.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino la geliyey afaafka hore ee Maqaahi ku taalla degmadaas.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay qaraxan halka lix kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah oo warbaahinta la hadlay.

Maqaajida ayey sidoo kale wararku sheegayaan iney fariiran jireen ciidamada dowlada ee degmadaas ku sugan, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay iskugu jiraan askar iyi dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa.

Ciidamada amaanka DF ayaa la sheegay iney xireen goobta qaraxu ka dhacay, iyagoo wada baaritaano ay ku dabagalayaan kooxihii ka dambeeyey oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maamulka degmada Ceelwaaq iyo kan gobolka Gedo intaba kama hadlin qaraxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Turkisom iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Cabdi-Kariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax (Shalay iyo Maanta)

admin

(Sawirro) Golaha Wasiirada Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---