C/risaaq Caato ayaa la soo sheegayaa in mar kale loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaddib markii bishii hore looga qaaday xilkaas markii lagu eedeeyey inuu ku kacay takrifal awoodeed oo sababi gaaray dagaal ka dhaca Villa Somalia gudaheeda.
Ninkan oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo ayaa ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, isagoo ka soo noqday Agaasime Ku-xigeen iyo Kaaliyaha Fahad Yaasiin xilligii uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada.
Waxaa xilka laga qaaday dhowaan markii uu ciidamo ka tirsan ilaalada  madaxtooyada u adeegsaday in gaari nooca aan xabada karin ah ay xoog kaga dhigaan Yaxye Cali Hareri oo la taliye u ahaa RW hore Xasan Cali Khayre.
Arrintaas ayaa xiisad dagaal ka dhalisay Villa Somalia, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo oo soo fara geliyey arrintan ayaa xilka ka qaaday C/risaaq Caato oo maalmo kooban ka hor xiligaas la magacaabay, waxaana sidoo kale gaarigiisa loo celiyey Yaxye Cali Hareri.
Warar kale ayaa sheegayaa in illaa 3 La Taliye Sare oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha la bedelay, loona wareejiyay Wasaaradaha kale ee xukuumada, waxaa ku jira Yaxye Cali Hareeri sida ilo xog ogaal ah ay sheegayaan, ka dib markii laga baqay iney mar kale is qabtaan C/risaaq Caato oo shaqada lagu soo celiyey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com