Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caddeeyay in hagardaamada wax uu ugu yeeray aragagixisadu aysan hakin doonin dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka.
“Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixisadu galabta ka geysteen Muqdisho.Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Waxaan caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadka dhaawacmay”, ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa raaciyay, “Xagjirku waxay beegsanayaan rayidka si ay u dilaan tirada ugu badan ee shacab ah. Ujeedkooda ugu weyn waa inay muujiyaan inay dad dili karaan, balse ma lahan hadaf iyo ujeeddo ay u dagaallamayaan, mana matalaan Islaamka iyo dhaqankeenna suubban oo reebaya in la laayo dad aan waxba galabsan”.
Qaraxii ka dhacay maqaayada Blue Sky oo ku taalla meel ku dhow Kontrol laga ilaaliyo Villa Somalia una dhexeysa tiyaatarka Qaranka iyo xabsiga Godka Jilacow ayaa waxaa fuliyey Nin naftiisa soo biimeeyey oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo dhex galay ka dibna isku qarxiyey maqaayada oo xiligaas ay fadhiyeen dad shacab u badan oo galabtii halkaas ku shaaha ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay, 7 kalena wey ku dhaawacmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com