Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xafiiska cusub ee Somaliland ka furatay Taiwan oo xariga laga jaray

Waxaa Magaalada madaxda Taiwan ka dhacday xaflad xariga looga jaray xafiiska wakiilka Somaliland u fadhin doona halkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa ka qeyb galay xafladdii lagu furayay xafiiska Somaliland ay ku yeelan doonto magaalada Taipei.

Mr Wu oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa yiri “Taiwan waa gurigiinii labaad, Anaga iyo kuwa aan isku fikirka nahay waxaan hormarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,” ayuu yiri daray Mr Wu.

Sida uu qoray bogga Taiwan news waxaa sidoo kale xaflada lagu furayay xafiiska Somaliland ee Taiwan goobjoog ka ahaa wakiilka Somaliland u fadhin doona magaalada Taipei Mohamed Omer Hagi.

Waxaa goobtii ay ka dhacaysay xafladda lagu furayay xafiiska Somaliland sidoo kale laga sii daayay muuqaalka khudbad horey loo sii duubay oo uu jeedinayay madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Maanta waxan aad ugu faraxsanahay aana soo dhaweynayaa aan u hambalyaynayaa dowladda Taiwan in ay si rasmi ah u aqbasho inay furto xafiiska,”ayuu yiri Mr Biixi oo khubadiisa ku sheegay in labada dhinac ay dimuqraadiyada iska kaashan doonaa, ayna wadaagi doonaan arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga.

Xukuumadda Taiwan ayaa 17-kii bishii August waxay xafiis wakiileed ka furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana labada xukuumadood oo madax banaani sheegta aysan jirin illaa hadda cid aqoonsatay, iyadoo xiriirkooda si weyn u cambaareeyey dowladaha Somalia iyo Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo ka furtay Farmaajo iyo Musharaxa uu taageerayo oo la ogaaday !!

Cabdi Cade

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo maanta yeeshay gudoomiye KMG ah 

Cabdi Cade

Sheekada wiilkii yaraa ee Dhuudhuumashowga ku dhumay ee dalka kale laga soo qabtay!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---