Qarax ayaa ka dhacay waddo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, kaasoo lala beegsaday kolonyo uu la socday Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Amrullah Saleh.
Mr Saleh, oo ah madaxii hore ee hay`adda sirdoonka Afghanistan, ayaa ka badbaaday qaraxa iyadoo uu dhaawac fudud ka gaaray wejiga iyo gacanta.
Weerarka ayaa ku soo aaday iyadoo saraakiisha Afghanistan iyo Taliban ay isu diyaarinayeen wada hadalladoodii ugu horreeyay ee rasmi ah.
Afhayeen u hadlay Taliban, Zabihullah Mujahid ayaa barta Twitter-ka ku qoray in kooxdu aysan mas`uul ka ahayn qaraxa, iyadoo Muuqaal laga duubay goobta uu muujinaya qiiq ka baxaya goobta.
Tareq Arain, oo u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan, ayaa sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda lala beegsaday gaadiidka Saleh xilli uu shaqo u socday. Mr Arain ayaa sheegay 10 qof oo rayid ah oo goobta ka shaqeynayay lagu dilay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen, oo uu ku jiro mid ka mid ah ilaalada Saleh.
Mr Saleh ayaa lagu yaqaannaa inuu aad uga soo horjeedo Taliban, waana madaxii hore ee hay`adda sirdoonka, wuxuu hore uga badbaaday dhowr isku day dil, oo uu ku jiro isku daygii sanadkii hore lagu weeraray xafiiskiisa, ayna ku dhinteen 20 qof. Mar uu hadlayay qaraxa kaddib wuxuu wacad ku maray inuu sii wadayo shaqadiisa siyaasadeed, iyadoo Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa saakay la kulmay Saleh kaddib qaraxa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com