Allbanaadir.com
NEWS

Dekadda Muqdisho oo Xiliyadda Habeenkii Shaqo bilowday iyo Sababta Keentay (Sawirro)

Waxaa waayadan dambe kusoo badanayay magaaladda Muqdisho ciriiriga wadooyinka taas oo ay keenaan inta badan baabuurta xamuulka ee badeecadaha kasoo qaada dekedda muqdisho .

Hadaba si arimahaas looga gudbo waxay shirkadda albayrak ee dekedda maamusha ku dhaqaaqday in ay ka dhigto shaqada kasocota dekedda mid xiriir ah oo aan si kala joogsi lahayn u socota  24 ka saac .

Waxay shirkaddu ku xidhay dekedda nalal waawayn oo iftiinkoodu aad u sareeyo si ay u fududaato habasami u socodka hawlaha dekedda ee xiliga habeenka ah .

Waxay shirkadda albayrak ku dadaalaysaa in ay ay ka dhigto dekedda magaalda muqdisho mid lajaanqaadda habka ay u shaqeeyaan dekedaha kale ee caalamka taasoo ku beesgaraysan in lashaqeeyo 24 ka saac , waxayna shirkaddu doonaysaa in ay noqoto dekeddu mid caalami ah .

Shaqaynta iyo socodsiinta hawlaha dekadda  ee 24 ka saac  , iyo kala hagidda iyo nidaaminta ciidamadda taraafika  baabuurta xamuulka ee marta wadooyinka muqdisho waxay keeni karaysaa in uu ciriiriga wadooyinka magaalkada yaraado  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo inta badan Waqtigiisa Siinaya Ciidanka Milatariga (Daawo Sawirada)

admin

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dhuuso Mareeb

admin

R/W Rooble oo hal arin oo muhiim ah kala hadlay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---