Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi ka Socda Mareykanka oo Muqdisho deg deg u yimid iyo Farmaajo oo kulan la leh

Wafdi ka socda dowlada Mareykanka ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana wafdigan kulan gaar ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wafdiga ka socdaan kulanka la leh Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ka socdaan Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka AFRICOM.

Lama oga wali waxyaabaha ay kawada hadlayaan Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigan ka socda Mareykanka ee soo gaaray Muqdisho, waxaana ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada laga soo xigtay in wafdiga Madaxweynaha kala hadlayaan arimaha amniga iyo Doorashooyinka.

Wafdiga Mareykanka ee saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili xalay Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya loog hadlay walaaca Mareykanka ka qabo qaraabo kiil iyo eex ka socota ciidamada Milatariga Dhaxdiisa.

Mareykanka ayaa dhaqaalo badan ku bixisa taageerada ciidanka xooga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Danab , waxaana xusid mudan in Wasaarada Gaashaandhiga Shaqo joojin ku sameesay taliyihii ciidamada Danab taa oo ka careesiiyay Mareykanka.

 

Related posts

Muran loo Maaro waayey oo u dhexeeya Shirkadda Twitter iyo dowlada India

Caydiid Ali

Shir uu ka maqan yahay Rooble kana qeyb galayo Fahad Yaasiin oo maanta Muqdisho ka dhacaya

Cabdi Cade

Dad ku dhaw 100-qof oo bad ku dhintay xilli ay ka cararayeen Cudur deegaankooda ka dilaacay

Cabdi Cade