Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo sheegtay in Howlgal qorsheesan lagu dilay Cabdi Maxamed Bashiir

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose ayaa la sheegay in ay dileen saraakiil katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Sargaal katirsan Ciidamada Danab ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in Howlgal ka fuliyeen degaanada Dhisheeg-waamo,Maroodi-gubow iyo Dhaay unbow oo qiyaasti 75-km u jirta magaalada Kismaayo.

Howlgalkan ayaa intii uu socday ayuu sheegay sargaalkan katirsan ciidamada Danab in lagu dilay labo sargaal oo katirsan Al Shabaab uu ku jiro Cabdi Maxamjed Bashiir uu sheegay in uu ahaa sargaal howlgalada Jubada Hoose u qaabilsanaa Al Shabaab.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sidoo kale la sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose ku bur buriyeen saldhigyo Al Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in howlgalo lagu dilay saraakiil iyo xubno sar sare oo katirsan Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo Al Shabaab inta badan kasoo saaraan saraakiisha la sheegay in laga dilay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan Wadatashi ah oo u dhaxeeyay DFS iyo Dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade

Qarax Waxyeelo kasoo gaartay Injineer Turki ah oo ka dhacay Duleedka Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Shaqaalaha Shirkad ka howlgasha magaalada Beladweyne oo xabsi lagu guray (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---