Allbanaadir.com
NEWS

Doorasho dowlada Itoobiya aysan raali ka aheyn oo ka bilaabatay gobolka Tigrey

Waxaa saakay ismaamulka Tigrey ee dalka Itoobiya ka bilaabatay doorasho aysan raali ka aheyn dowlada Federaalka ee Itoobiya, waxa ayna shacabka kunool ismaamulkaasi usoo baxeen doorashada sharci darada lagu tilmaamay.

Dadka codkooda dhiibanaya ayaa saakay aroor hore xaadiray goobaha codbixinta, waxaana ismaamulka gobolka Tigrey si caadi ah uga socda doorashada inkastoo dowlada Itoobiya cadaadis ku saartay warbaahinta in ay baahiyaan doorashadaasi.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya oo loo balansanaa in bishan dhacdo ayaa dib loo dhigay sababo la xariira cudurka Caronavirus, hasa ahaatee ismaamulka Tigrey ayaa kahor yimid dib u dhigista dooarshada.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa wax aan macno laheyn kasoo qaaday doorashada maanta dhaceysa, waxa uuna sheegay in doorashadan aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada.

“Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara, aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Doorashadan maanta ka bilaabatay gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in rabshado hor leh ka dhaliso gudaha Itoobiya, waxaana horey looga cabsi qabay in dowlada awood u adeegsato joojinta doorashadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muddo kororsiga uu rabo Madaxweyne Laftagareen oo si weyn looga hor yimid

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan Muhiim ah la qaatay Rosemary DiCarlo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirka Maaliyadda oo Washington DC kulan muhiim ah kula qaatay Mahmoud Mohieldin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---