Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii Ciidamada Danab oo Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sabab layaab leh oo keentay!!

Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isbadal iyo shaqo joojin ku sameeyay qaar kmaid ah hogaanada  ciidanka milatariga Soomaaliya iyo saraakiil kale oo xilal muhiim ah hayay.

Isadalkan kasocda taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in aysan ku imaan rabitaanka taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed balse uu yahay qorshe ka socda dhanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada qorshe meesha looga saarayo taliyaasha iyo saraakiisha hogaanada ee ciidanka xooga Soomaaliyeed ee loo arko in ay dhax dhaxaad yihiin ama ku shaqeyn karin rabitaanka Villa Somalia xiligan kala guurka ah.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ahaa sargaal fir fircoon oo shaqo badan hayay.

Taliyahan ayaana sida wararka ku helnay shaqo joojintiisa la xariirta in uu qaraabo dhaw la ahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sidoo kale horey usoo noqday taliyihii ilaalada gaarka ah ee Ra’isul Wasaaraha.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa la yimid isbadal muuqda oo dhinaca ciidamada Danab tan iyo markii taliye looga dhigay, waxa uuna suurto galiyay in ciidamada Danab la wareegaan deegaano badan sidoo kale fuliyeen howlgalo badan .

Shaqo joojinta Taliyaha Danab ayaa sidoo kale dabo socota cadaadiskii dhawaan la saaray la taliyihii dhinaca amniga Xafiiska Ra’isul Wasaare oo markii dambe is casilay kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid dhinaca Villa Soomaaliya.

Amar kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale xilalkii looga qaaday taliyaashii guutooyinka Gor Gor iyo 14-ka October, waxaana qaarkood la geeyay saraakiil laga badalay dhanka Madaxtooyada Soomaaliya oon khibrad badan laheyn.

Dowlada Mareykanka ayaana si caro leh uga hadashay talaabooyinkan ay qaaday Villa Soomaaliya ee la xariira musuq maasuqa iyo qaraabo kiilka lagu sameenayo saraakiisha ciidanka xooga xiligan kala guurka ah  .

Dad badan ayaa shaki ku abuuray isbadalkan ciidamada ka dhax socda xiligan kala guurka ah, waxaana dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in ujeedka ka dambeeyay arintan ay tahay mid siyaasadeed oo jahwareer abuuri karta mustaqbalka.

Related posts

Mucaaradka Israaiil oo RW Netanyahu ugu baaqay inuu xilka ka dago (Sababta)

Caydiid Ali

Shir ay isugu yimadeen dowlada Somalia & beesha caalamka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo banaanka soo dhigay shaki weyn uu ka qabo Dowlada Shiinaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---