Allbanaadir.com
NEWS

Talaalka Caronavirus oo la joojiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo dhibaato kasoo gaartay

Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyriska Corona ayaa la hakiyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameyn doono.

Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go’an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha.

In ka badan 10’000 oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkani.

Waxaa sidoo kale talaalkan tijaabadiisa ka qeyb galay muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Mareykanka.

Waxaa guud ahaan caalamka ay shirkadaha iyo dowladaha u kala cararayaan sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago feyriska fara’aha ba’an ku haya caalamka ee Corona.

Waxaa caalamka guud ahaan imika tijaabo ku jira 30 tallaalka looga hortagayo feyriska Corona oo ay wadaan shirkado iyo Seynisyahano kala duwan.

Tijaabada tallaalka ee ay waddo jaamacadda Oxford ee dalka Britain ayaa la rumaysan yahay in uu yahay midka ugu hormarsan, waxaana dad badan ka dhursugayeen waxtarka uu yeelan doono talaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo hakisay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka

Cabdi Cade

Hogaanka Al Shabaab oo Gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Wiil 10 sano jir keligiis ku nool gurigii ay kaga dhinteen Waalidkiisa! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---