Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska AFRICOM oo ka hadlay sababaha duqeynta loogu dilay C/qaadir Kumandos

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay sababta loo dilay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan  kaasoo 25-kii August lagu qaarajiyey duqeyn ka dhacday degmada Saakow agagaarkeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir Yarow Cusmaan (Kumandos) uu xilal badan ka hayey ururka Al-Shabaab, isagoo dhowaanahan ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidanka kooxdaas.

“Duqeymaha laga fuliyey xudunta Al-Shabaab waxay muhiim u yihiin in la wiiqo awoodda argagaxisada, lagana hortago qaska iyo rabshadaha ay ka wadaan Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan,” ayuu yiri Gen. Stephen Townsend taliyaha ciidamada AFRICOM.

Cabdulqaadir Kumaandos ayaa ka mid ahaa xubnihii ururka Xisbul Islaam ee ku biiray Al-shabaab, isagoo xiligii dowladii Kacaankana ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya halkaasoo magaca Kumaandos loogu yaqiinay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MARAYKANKA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxyo weli ka sii socda Kenya xili uu Ruto ka laabtay sharcigii carada dhaliyey

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow Sababta dowlada Hindiya ay u dooneyso inay xirto Daaciga Zaki Naik.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---