Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bankiga adduunka oo wakiil cusub u soo magacaabay Somalia iyo dalal kale

Bankiga Adduunka ayaa Keith Hansen u soo magacaabay inuu noqdo agaasimaha cusub ee Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda, isagoo shaqada bilaabaya maanta.

Hansen, oo khibrad ka badan 30 sano u leh arrimaha horumarinta ayaa madax ka noqon doona in ka badan 100 mashruuc oo ay ku kacayso in ka badan $13 bilyan (Sh1.4 trillion).

Magacaabiddiisa ayaa ku soo aadeysa xilli dhammaan dowladaha Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda ay la daalaa dhacayaan saameynta xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Hansen wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan, isagoo ka hor intaan la soo magacaabin la taliye ka ahaa xafiiska madaxa World Bank.

Wuxuu u dhashay Mareykanka, wuxuu shahaadada heerka koowaad ee sharciga ka haystaa Jaamacadda Stanford, shahaadada heerka labaad ee Arrimaha Bulshada wuxuu ka qaatay Jaamacadda Princeton, isagoo sidoo kale shahaadada heerka koowaad ee Sayniska Siyaasadda ka haysta Jaamacadda Yale

Magacaabiddiisa ayaa ku soo aadeysa xilli dhammaan dowladaha Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda ay la daalaa dhacayaan saameynta xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo Codsi deg deg ah u diray Golaha Amaanka ee Q/Midoobay

Cabdi Cade

Mushahar la’aan soo wajahday Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Milateriga Somalia oo shaaciyey iney howlgal ku dileen Shabaabkii ugu badnaa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---