Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo loo heysto aflagaado uu u geystay hogaamiye caan ah oo geeriyooday

Hay`adda gargaarka Nelson Mandela ayaa ka jawaabtay hadal la sheegay inuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka sheegay madaxweynihii hore ee Koofur Afrika, kana soo horjeeday taliskii caddaanka dalkaas, Nelson Mandela.

Hadalkan ayaa laga soo xigtay buugga cusub ee qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo soo baxay maanta.

Mr Cohen wuxuu buugga ku qoray in Trump uu hadallo cunsuriyad ay ku dheehan tahay ka sheegay Nelson Mandela.

Wuxuu sheegay in Trump uu yiri in madaxweynihii hore ee Koofur Afrika ee geeriyooday “uusan ahayn hoggaamiye”.

“Ii sheeg hal dal oo uu xukumay qof madow ah oo aan ahayn wasakh. Dhammaantood waa musqulo,” ayuu mar yiri Trump, sida laga soo xigtay Mr Cohen, hase ahaatee Aqalka Cad ayaa sheegay in qareenku uu been sheegayo.

Hay`adda gargaarka Nelson Mandela ayaa ugu baaqday Trump inuu ka laabto hadalkaas, waxaana Mr. Trump looga bartay mar walba hadalo abuuraya naceyb iyo muran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mareykanka oo Qirtay in Duqeymo ay ka fuliyeen dalal Soomaaliya ku jirto Shacab lagu dhibaateeyay

Cabdi Cade

Shirkaddo dhibaato ku haya shacabka Somaliland iyo Mucaaradka oo farta ku fiiqay

Caydiid Ali

Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal ah la qaatay Victoria Nuland iyo Samantha Power (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---