Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay shanta dowlad goboleed & G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay ka soo qeyb galaan shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Shirkan oo dhici doona 10-ka bishan waxaa lagu dhammeystiri doonaa hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3 oo ay ka soo baxeen qodobo lagu qeexayey hanaanka doorasho ee dalku wajahayo, sida uu sheegay agaasinka warfaafinta ee madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug iyo koofur Galbeed ay iyaguna caasimadda soo gaaraan, si ay uga qaybgalaan shirkan muhiimka ah inkastoo weli aysan cadeynin mowqifkooda shirka cusub ee lagu baaqay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay Xubno Al Shabaab u qaabilsanaa ….

Cabdi Cade

Musharaxiin kahor yimid magacaabista Guddiga Doorashada Galmudug (Akhriso)

Cabdi Cade

Haweeney wadatay Biskoolad ka sameesan Dahab oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---