Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Waare oo goordhaw lagu soo dhaweeyay Baydhabo (Daawo Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayay.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle hogaaminayay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale la filayaa saacadaha soo aadan in magaalada Baydhabo gaaro Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Magaalada Baydhabo ayaa la filaa in kulan wadatashi ah ku yeeshaan Madaxda maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Hirshabelle iyo Galmudug kuwaa oo ka arinsanaya hir galinta qodabadii kasoo baxay Shirkii Dhuusomareeb3 iyo shirka Muqdisho ee lagu casuumay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira inuu dib u dhacay shirkii beri loo balansanaa ee madaxda DF & D/Goboleedyada?

Caydiid Ali

Qarax uu ku dhaawacmay Xildhibaan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & darawalkiisa oo ku dhintay

Caydiid Ali

Maraykanka oo ka hadlay xaalada amni ee Soomaaliya iyo ciidanka Danab oo fuliyey howlgal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---