Dalka Zambiya ayaa looga baroordiiqayaa geerida ku timid Kalluun ama Malaay weyn oo ku jiray haro macmal ah oo leedahay Jaamacada ugu weyn dalkaasi ee lagu magacaabo Copperbelt University (CBU).
Madaxweynaha dalka Zambiya Edgar Lungu iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Hakainde Hichilema ayaa kamid ah dadka u baroor diiqay geerida ku timid kalluunkan oo lagu magacaabi jiray Mafishi.
Kalluunkan weyn ee dhintay ayaa caan ka ahaa gudaha dalka Zambiya, waxaana mudo todobo sano ah kalluunkan uu ku jiray harada macmalka ah ee leedahay Jaamacada Copperbelt University .
Qaar kamid ah ardayda wax ka dhigata jaamacada Copperbelt University ayaa xushmad weyn u hayay kalluunkan geeriyooday, waxaana qaar kamid ah ardayda aaminsanaayeen in kallulkaasi ka caawinayo in ay guul ka gaaraan imtixaanka jaamacada.
Baraha bulshada ayaana si weyn looga hadal hayaa kalluunkan dhintay ee Madaxda iyo qaar kamid ah shacabka dalka Zambiya u baroordiiqayaan, dadka qaar ayaana dhacdadan aragtiyo kala duwan ka bixiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com