Allbanaadir.com
NEWS

Yaa gadaal ka riixaya isbadalka lagu sameenayo Gudoomiyaasha Degmooyinka Muqdisho ?

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa dhawaan xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxa uuna magacaabay Gudoomiyaal cusub.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in dhawaan sidoo kale la filayo in xilka laga qaado qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana hada seefta dul saaran tahay dhoor gudoomiye degmo .

Sida aan wararka ku helnay isbadalka lagu sameenayo Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uusan talo badan ku laheyn Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana looga soo yeeriyaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Gudoomiyaasha xilka uu ka qaaday Cumar Filish iyo kuwa uu magacaabay ayaa intaba la sheegay in looga soo yeeriyay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xilalkaasi Madaxtooyada abaal marin ahaan u siisay Xildhibaano Madaxtooyada si fiican ula shaqeeya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay in Cumar Filish isaga oon ku qanacsaneyn isbadalkan hadana dantu ku qasabtay in uu fuliyo amarka kaga imaanaya Madaxtooyada Soomaaliya oo hadii uu kahor yimaado mustaqbalkiisa saameyn ku yeelaneysa.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kasbasho ugu jirta siyaasiyiinta saameynta muuqata ku dhax leh dowlada gaar ahaan Xildhibaanada, waxaana siyaasiyiintan qaarkood lagu qanciyay in xilal laga siiyo dowlada gaar ahaan gobolka Banaadir.

Villa Soomaaliya ayaa horey Gudoomiyaal degmo uga dhigtay xubno katirsanaa xoogga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee aas aastay Madaxtooyada Soomaaliya, xubnahaasi ayaana loogu tala galay in xogaha degmooyinka iyo gobolka usoo gudbiyaan Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Ashraf Azmi Abu Hamdan & ilaaladiisa

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaal faraha looga gubtay oo galabta ka dhacay degaanka Shabelow

Caydiid Ali

Tallaalka SINOVAC oo Muqdisho la keenay & Wasiirad Fowsiya oo guddoontay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---