Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay natiijadii kasoo baxday Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ee qaaday Wasaarada Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in lama filaan ku noqotay in imtaxaanka ku dhacaan arday badan oo wax ka barata magaalada Muqdisho sidoo kale safka hore ka galaan imtixaanka arday joogta gobolo baahiyo badan ay ka jirto.
Siciid Deni ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ku yaalaan iskuulada ugu tayada wanaagsan sidoo kale dhigaan macalimiin wanaagsan , waxa uuna xusay in uu tuhmayo in ay jiraan khaladaad dhinaca wasaarada ah iyo habka loo maray sixitaanka imtixaanka.
”Magaalada Muqdisho waa magaalada tayo ahaan xaga tacliinta ugu fiican dalka, iskuulo badan oo fiican baa kuyaala, macalimiinta ugu fiican baa wax ka dhiga, marka natiijada soo baxday in aysan sax aheyn ayaa ii muuqata, in safka hore galaan gobolo xaalado adag ka jiraan qaarkood dagaalo ka socdaan waa wax kale” ayuu yiri Siciid Deni.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in Wasiirkla Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare uusan wax badan kala socon kana warqabin natiijada kasoo baxday imtixaanka natiijadiisa la shaaciyay.
Siciid Deni ayaa sheegay in natiijada soo baxday ay ka dhalatay khaladaad ka jira sida loo saxay imtixaanka, waxa uuna ugu baaqay dowlada in aan la niyad jebin loona turo ardayda mudad dheer wax soo baraneysay waliba kharash badan kusoo bixisay.
Natiijada imtixaanka shahaadiga ee dhawaan shaacisay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa dad badan lama filaan ku noqotay kadib markii la shaaciyay in Gobolka Gedo hogaaminayo halka gobolka Banaadirna noqday kan ugu liitay dhinaca natiijada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com