Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in shir wadatashi ah isugu imaanayaan Madaxda maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, waxa ayna ka arinsan doonaan hirgalinta qodabadii kasoo baxay shirarkii hore.
Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa kusii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna halkaasi kula shiri doonaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Sadexdan Madaxweyne oo xiriir dhaw la leh dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kasoo horjeedaan shirka magaalada Muqdisho u yimaadeen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Sida aan wararka ku helnay Sadexdan Madaxweyne oo telfoon kuwada hadlay ayaa ku balamay in ay shir wadatashi ah isugu yimaadaan si ay iskula qaataan go’aan mideesan, waxa ayna si gaar ah uga arinsan doonaan hirgalinta qodabadii kasoo baxay shirarkii Dhuusomareeb.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u diiday ka qeyb galka shirkii Dhuusomareeeb 3 , waxa ay sidoo kale kasoo horjeesteen labadan Madaxweyne go’aanadii dhinaca doorashada ee shirkaasi kasoo baxay.
Shirka magaalada Muqdisho u yimaadeen Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa la isku fahmay in la balaariyo loona yeero Madaxda kale ee maamulada , lamana oga in ay aqbali doonaan casuumada loo fidiyay Madaxda kale ee maamul goboleedyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com