Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay waabarigii weerar culus ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna saacado kooban la wareegeen qeybo kamid ah degmadaasi.
Dadka degan Balcad ayaa sheegay in Al Shabaab dhoor jiho kasoo galeen degmada Balcad, waxa ayna soo galeen kana dagaalamayeen mudo kooban xaafado dhoor ah oo katirsan degmada Balcad.
War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in ay la wareegeen xarumaha maamulka iyo saldhiga booliiska degmada Balcad, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in xabsiga Balcad kasii daayeen maxaabiis ku xirneed.
Ciidamda dowlada ayaa lagu soo waramayaa in markii dambe dagaal rogaal celis ah ay kusoo qaadeen degmada Balcad kula wareegeen, waxaana degmada isaga baxay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka kusoo galay.
Gudoomiyaha degmada Balcad ayaa sheegay in Al Shabaab ka saareen degmada Balcad ayna hada kusii dhax eryanayaan beeraha, waxa uuna xusay in khasaaro xoogan Al Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay dagaalka saakay Al Shabaab ku qaadeen degmada Balcad, waxaana xaalada degmadaasi hada u muuqataa mid wax xoogaa xasiloon , waxaana xaafadaha degmada lagu arkayaa ciidamada dowlada.
Al Shabaab ayaa marar badan sidaan oo kale weeraro ku qaaday gudaha degmada Balcad, waxa ayna Al Shabaab u muuqdaan kuwa awoodooda kusii kordheyso gobolka Shabeelaha Dhaxe gaar ahaan inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com