ALLAHA u Naxariistee Waxaacaawa lagu dilay Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika Wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku Ganacsata magaaladaas
Marxuum Axmed Xasan Jeceelow ayaa waxaa toogtay dablay hubaysan oo xabad ku furay, xilli uu ku sugnaa Dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Motherwell.
Waxaa goobta gaaray Ciidamo Boolis ah oo baaritaano samaynaya, sida uu xaqiijiyey Cali Yare Sheekh oo ka mid ah Soomaali badan oo ku baxay dilka Marxuum Jaceelow.
Port Elizabeth oo ku taalla Gobalka Eastern Cape ayaa waxaa beryihii la soo dhaafay aad ugu soo laba kacleeyey ugaarsiga Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida, waxaana xalay oo ugu dambaysay la weeraray Sedex Dukaan oo Soomaali leedahay, inkastoo mid ka mida la dhacay labada kalena laga difaacay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com