Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Goodax oo ka hadlay sababaha keenay ardayda badan ee ka dhacday G/Banaadir

Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka hadlay shakiga laga muujiyey natiijada imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada sare iyo sababta keentay in 8,550 oo arday oo imtixaanka ku dhacday ay 90% noqdaan ardaydii gobolka Banaadir.

Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay inay jiraan dhowr sababood oo loo aaneyn karo ardayda imtixaanka ku dhacday ee gobolka Banaadir, ayna wadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

“Waxaa jra cillado u gaar ah Waxbarashada gobolka Banaadir oo saameyn weyn yeelatay, Wasaaradu aad ayey ugu mashquulsantahay in ciladahaas la saxo, dhibaatoyinka jira waxaa ka mid ah Iskuullada ganacsiga oo ardayda bootinaaya, mararka qaar waxaad arkeysaa ardaygii oo waxba baran inta lasoo bootiyey iyadoo fasalka u dambeeya la keenay,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Si arrintaas wax looga qabto ayuu sheegay iney tallaabo ka qaadeen dhamaan ardayda dalkana ay system geliyeen, dugsi hoose illaa dugsi sare, “Marka arday hadda kadib boodi karaa ma jiro, taasina waxay sixi doontaa in ardaygu uu waqtigiisa soo qaato,” ayuu yiri.

“Ardayda dhacaysa ee aad arkeysaan waa dadkii dariishada kasoo galay ama horey loo soo bootiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray, wuxuuna dhinaca kale ka hadlay shaki laga muujiyey qaabka loo saxay imtixaanka

“Imtixaanka halkii maado ee qofkiiba waxaa saxa saddex qof, ka dibna waxaa uga sii dambeeya, qofka kale oo eegaya sida wax loo saxay ka dibna kormeeraya, waxaana sidoo kale jira dad kale oo isku daraya dhibcaha ardayga uu helo iyo hubintooda, waxaana isleenahay sidii ugu quruxda badneyd ayaa loo saxay” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeyn rayid badan lagu laayey oo ka dhacday Kharkiv Ukraine (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisad ka taagan degmada Balcad & Xoogaga Al-Shabaab oo qabsaday degaano ku dhow

Caydiid Ali

Qoor-qoor oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho & Puntland oo xabsiga dhigtay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---