Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

WHO oo shaacisay warbixin ceeb iyo fadeexad ku ah Soomaaliya & dalal kale

Sida ay sheegtay heyadda WHO dalalka Kenya, Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Nigeria ayaa safka hore kaga jira kiisaska musuq-maasuq ah ee lagu sameeyey qalabka iyo kharashkii loogu tala galay la dagaalanka cudurka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu cadeeyay inay jiri karaan dalal badan oo kale oo ku kacay musuqmaasuqa lacagtii ay hey’addu ugu tala gashay la dagaalanka cudurka COVID-19.

Agaasimaha guud ee ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa sheegay in musuqmaasuqa qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka uu lamid yahay dil.

“Heer kasta ama nooc kasta oo musuq maasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuq maasuqa la xiriira qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, waxaan qatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil” ayuu yiri Dr. Tedros Adhanom.

Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowlada Somalia gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka iney musuqday qalabkii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la dagaalanka cudurka Coronavirus inkastoo dowladu iska fogeysay eedeyntaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee maanta Itoobiya ula dhaqantay wafdiga Madaxweyne Xassan Shiikh?

Caydiid Ali

Taalibaan oo xirtay goobaha Dumarka isku qurxiyaan kana hadlay Sababta ay u xireen

Cabdi Cade

Maxkamad sii deysay nin dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar iyo Xubno kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---