Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey Guddi sagaal xubnood ka kooban (Magacyada)

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen sagaal (9) xubnood oo wasaaradda caddaaladdu ay u soo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.

Qodobka 111aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya dhisidda 9ka xubnood ee guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha dowladda.

Xubnaha guddiga oo lagu soo xulay aqoon, waayo-aragnimo, karti, hufnaan iyo amaano ayaa kala ah: Mudane Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan, Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar, Mudane Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 21/09/2019 waxuu saxiixay sharicga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay, waxaana xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta glohu meel mariyay loo gudbinayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan dhax mari lahaa Madaxda dalka ugu sareysa iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo baaqday

Cabdi Cade

Madaxweyne Al Bashiir oo si adag uga hor yimid Baaqyo loo jeediyay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Meydka askari katirsan ciidanka Gaashaan iyo Hubkiisa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---