Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah safaaraddeda uga soo rartay magaalada Tel Aviv, una guurisay magaalada Qudus maanta, in kasta oo 37 Falastiiniyiin ah lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay rabshado ka dhacay xadka Gaza.
Saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Israel ayaa isugu soo ururay magaalada Qudus, halkaasoo safaaradda si rasmi ah looga furay, Meel wax ka yar 100-km u jirta halka ay rabshaduhu ka dhaceen.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa iska dhego tiray dareenka dowlado badan oo dunida ah bishii December, markii uu ku dhawaaqay inuu safaaradda Mareykanka u rarayo magaalada Qudus.
Wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner, oo ah la-taliye ka tirsan Aqalka Cad ayaa ka mid ahaa wufuudda Mareykanka ee ka qeyb galay munaasabdda furitaanka.
“Madaxweynayaashii ka horreeyey Trump way ka laabteen ballanqaadkoodii ahaa inay safaaradda Mareykanka u rarayaan Jerusalem, balse madaxweyne Trump wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisa” ayuu yiri Kushner.
Hadal muuqaal ahaan looga baahiyey furitaanka safaaradda, ayuu Trump ku sheegay in safaarad Mareykan oo ku taalla Jerusalem ay ahayd wax muddo fog soo socday, islamarkaana Jerusalem ay tahay caasimadda Israel.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com