Dibad baxayaal careesan ayaa weerar ku qaaday dukaamo kuyaala dalka Koonfur Afrika oo leedahay shirkad lagu magacaabo Clicks oo lagu iibiyo sidoo kale soo saarta waxyaabaha la isku qarxiyo.
Shirkadan ayaana sii deysay xayeesiin caro badan ku abuurtay dadka madowga ah una muuqatay mid cunsuriyad ku dheehan tahay, waxa ayna taasi sababtay in la weeraro dukaamada shirkadaasi leedahay laguna qasbo in albaabada la isugu dhufto.
Shirkada Clicks ayaa baahisay xayeesiin ay ka muuqato sawirro ka dhigaya timaha Afrikaanka inay yihiin kuwo qallalan, midabkoodu dilan yahay isla markaana rifrifan, halka timaha caddaankuna ay yihiin kuwo liisho ah oo siman.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee EFF Julius Malema, ayaa ugu baaqay taageerayaasha xisbigiisa in ay weeraraan dukaamada shirkadan kuna qasbaan in la xiro , waxa uuna shirkadan ku eedeeyay cunsuriyad.
Qaar kamid ah taageerayaasha xidbiga EFF iyo dad kale oo careesan ayaa weeraray qaar kamid ah dukaamada shirkadav Clicks ku leedahay South Africa, waxaana maamulka shirkada si kulul cam baareeyeen weerarka lagu soo qaaday xarumahooda.
Madaxa Clicks, Vikesh Ramsunder ayaa raali galin ka bixiyay xayeesiinta carada abuurtay ee shirkada deesay, waxa uuna sheegay in ay ka xun yihiin xayeesiintasi ayna shaqada ka joojiyeen dadkii ka dambeeyay baahinta xayeesiintaasi.
Raali galinta shirkada bixisay ayaana la sheegay in aysan waxbo soo kordhin, waxaana maanta la weeraray xarumaha shirkadaasi qaarkood ku leeyihiin magaalooyin kuyaala dalka Koonfur Afrika.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com