Allbanaadir.com
NEWS

Shir aan Caadi aheyn oo la isugu yeeray Golaha Wasiirada iyo Warar sheegaya in…

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa la isugu yeeray shir aan caadi aheyn oo ay isugu imaanayaan 2-da duhurnimo, waxaana Wasiirada loo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in ay kasoo qeyb galaan shirka aan caadiga aheyn.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in golaha Wasiirada go’aano kasoo saaraan xaalada kala guurka ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka, waxaa sidoo kale wararka qaar sheegayaan in laga yaabo in Madaxweynaha ka qeyb galo shirkaasi.

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa shirka caadiga ah yeelan jiray maalin walbo oo khamiis ah, hasa ahaatee shirkan aan caadiga aheyn ee maanta yeelanayaan ayaan wali si dhab ah loo ogeyn waxa soo dedejiyay iyo ujeedkiisa.

Xukuumada Soomaaliya ayaan laheyn Ra’isul Wasaare rasmi ah kadib markii kalsoonida lagala noqday Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, waxaana Xukuumada hada sii hogaamiya Mahdli Guuleed oo Madaxweynaha u magacaabay in ku-sime sii noqdo.

Golaha Wasiirada ee kalsoonida lagala noqday ayaa sharciyo iyo xeerar badan oo qaarkood muran ku jiraan meel mariyay tan iyo waxii ka dambeeyay markii kalsoonida lagala noqday, waxa ayna Wasiirada qaar sameeyeen magacaabis iyo xil ka qaadis sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciqaabta hawlwadeenada Meherada ka dhigtay xatooyada Xoolaha dadweynaha

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeya DFS iyo Bangiga Adduunka oo Nairobi ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay xeebaha dalka Cumaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---