Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiyiinta Hawiye qaarkood oo shalayto ka jooga xil ka ridistii Ra’isul Wasaare Kheyre .!!

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa mudo bil ka badan ku qaadatay in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaarihii bedeli lahaa Xasan Cali Kheyre oo xildhibaano katirsan golaha shacabka Kalsoonida kala noqdeen.

Kalsooni kala noqoshada Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumadii uu hor boodayay waxaa hormuud ahaa Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye, kuwaa oo islahaa si deg deg ah ayaa loo soo magacaabi doonaa Ra’isul Wasaare cusub uu dalku yeesho.

Qaar kamid ah Xildhibaanadan ayaa aaminsanaa in beeshooda heli doonto kursiga Kheyre baneeyay, waxa ay sidoo kale qaarkood Xildhibaanada xil ka qaadista Kheyre u rabeen in ay fashilanto dowlada federaalka maadama kala tageen Kheyre iyo Farmaajo.

Xildhibaanadan ayaa hada shalayto ka jooga go’aankii ay xilka uga tuureen Kheyre oo magaca Hawiye xilkaasi ku joogay, waxaana Xildhibaanadan hada tuhmayaan in Farmaajo doonayo in waqtiga u haray Dowlada Mahdi Guuleed Ku sime ahaan ku dhameesto.

Dowlada federaalka oo xilalkeeda sare loo qeybsado qaab awood qeybi ah ayaa hada waxaa meesha ka maqan qeybtii Hawiye oo ahaa xilka Ra’isul Wasaaraha, go’aan ka gaarista talada dalka xiligan kala guurka ah ayaa wax go’aan ah waxaan ku laheyn beesha Hawiye.

Shirarka looga arinsanayo doorashada dalka ka dhaceysa iyo xaalada kala guurka ayaa saameynta beesha Hawiye ku leedahay aad u yar yahay, waxaana xusid mudan in siyaasiyiinta ugu badan ee mucaaradka ah iyo kuwa doonaya in doorashada waqtigeeda dhacdo in ay kasoo jeedaan Beesha Hawiye.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiye oo markii hore la dhacsanaa in xil ka qaadista Kheyre ayaa sheegay in ay soo baxday wax ka duwan waxii ay filayeen, waxa ayna sheegeen in hada oo talo hayaan aysan tabar heyn go’aan khaldna horey u qaateen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka meer meeraya in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare cusub, waxa uuna taa badalkeeda doortay in xilka sii hayo Mahdi Guuleed sidoo kale sii shaqeeyaan Wasiiradii kalsoonida waayay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dhawaan Aqalka sare ka hadlay ayaa sheegay in uu faraha ka qaaday ka hadalka maqnaashiyaha Ra’isul Wasaaraha uu sheegay beeshii kursigaasi laheyd u muuqan mid rabta ama uu ka maqan yahay.

Dowlada hada jirta uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxaa u hartay wax ka yar 5-bilood, waxaana dalku galayaa xaalad kala guur ah , waxaana suurto gal ah in maqnaashiyaha R/Wasaaraha saameyn ku yeesho Mustaqbalka dambe ee beesha Hawiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Macbad ay leeyihiin Hinduuga oo laga dhisay Magaalada Dubai iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Afar qodob oo laga soo saaray Shir xasaasi ah ay yeesheen Deni iyo Qoorqoor (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal Khasaaro geestay oo dhax maray ciidamada dowlada iyo Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---