Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo sanadkan gashay Dagaal ay kor ugu qaadeyso Sumacada dalka 

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso in ay kula dagaalanto musuq maasuqa baahay ee ka jira Soomaaliya, taa oo horseeday in Soomaaliya sanad kasta kaalinta koobaad ka gasho dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr: Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya sanadkan xoojisay la dagaalanka musuq maasuqa si kor loogu qaado sumacada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Qaranka in bahda cadaalada looga baahan yahay in ay ku dadaalaan sinaanta iyo cadaalada si loo dabar jaro meeshana looga saaro musuq maasuqa baahay ee la dagay Soomaaliya.

Dr Suleymaan ayaa sheegay in sanadkan bahda cadaalada sameeyeen la dagaalankii ugu xooganaa ee musuq maasuqa, waxa uuna cadeeyay in aysan sax aheyn in Soomaaliya sanad walbo hogaamiso wadamada ugu musuq maasuqa badan caalamka.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa dhawaan xukuno adag oo xabsi ah ku riday masuuliyiin iyo shaqaale katirsan dowlada Soomaaliya oo lagu helay in ay sameeyeen musuq maasuq iyo wax isadaba marin.

Soomaaliya ayaana qiimeyn sanad walbo lasoo saaro kaalinta ugu horeeya ka gasha wadamada Musuq maasuqa la degay, waxaana dowlada hada jirta marar badan ku faantay in Musuqa la dagaalameyso inkastoo aysan jirin wax badan oo arintaasi ka hir galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo caddeeyay in ay doonayaan in Itoobiya Baddeenna ku timaado hab sharci ah

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay saddex nin oo…

Cabdi Cade

Wafdi sare oo ka socday Qadar oo Muqdisho yimid iyo Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---