Dowlada Kenya ayaa ku guul dareesatay in ay ka hortagto weerarada joogtada noqday ee Al Shabaab ka geestaan gudaha Kenya iyo Weerarada kale ee ciidankooda jooga deegaanada Jubbaland kala kulmaan kooxdaasi.
Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) Robert Kibochi ayaa shaaciyay in la dejiyay qorshe cusub oo ay ku doonayaan in ciidamada Kenya uga hortagaan weerarada uga yimaada kooxda Al Shabaab .
Waxa uu sheegay Robert Kibochi in ay adeegsan doonaan tiknoolajiyada casriga ah maadaama tahay habka kaliya ee xiligan looga hortagi karo sida uu tilmaamay weerarada kooxda Al Shabaab uga yimaada ciidanka iyo Shacabka Kenya.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in howshaan loo adeegsanayo tiknoolajiyada looga hortagayo weerarada Al Shabaab loo gacangelinayo Machadka Tababarka Farsamada iyo Tiknoolajiyadda ee Ciidamada Kenya.
Dowlada Kenya ayaana saraakiil katirsan milatariga Kenya u tababareysa habkan tiknoolajiyada ah ee dooneyso in ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab sidoo kale u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa weeraro badan ka geesta gudaha dalka Kenya iyagoona xadka Soomaaliya ka gudba, ciidamada Kenya ayaana ku guul dareestay in ay kahor tagaan weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya oo marar badan ka dhasheen khasaaro badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com