Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Danab oo qabtay Gaadiid loo diyaariyey in lagu fuliyo weeraro ismiidaamin ah

Ciidanka Kumandooska Xoogga dalka ee Danab oo shalay al-Shabaab ka saaray degaanka Janaay-cabdale oo qiyaastii magaalada Kismaayo 60-km u jirta ayaa waxay wadaan howlgalo ammaanka degaankaasi lagu xaqiijinayo.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandoska ayaa sheegay iney qabteen, isla markaana burburiyeen gaari Susuki ah midabkiisuna yahay Madow oo Al-Shabaab kasoo buuxiyeen Walxaha qarxa, kaasoo ay doonayeen iney weerar ismiidaamin ah kaga fuliyaan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, waxay saraakiishu sheegeen in Gaari Hoomey oo isna qaraxyo lagu soo raray ku qabteen duleedka deegaanka Janaay-cabdale isla bartiisana ay ku bur-buriyeen.

“Gaadiidka qabashadooda iyo burburintooda ayaa waxaa sahlay wada shaqeynta ciidanka Xoogga dalka iyo dadka degaanka oo laga dulqaaday culeyskii kooxda argagixisada Al-shabaab” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Danab oo la hadlay warbaahinta.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in shalay ilaa maanta ay degaanka Janaay-cabdalle kasoo saareen 18 miino oo Al-shabaab ay ku aaseen wadooyinka, iyagoo intaas ku daray in al-shabaab markii ay degaanka ka baxaayeen ay qarxiyeen ceel-biyoodkii dadka deegaanka ka cabi jireen.

Related posts

Nin dil aad looga naxay u geestay Sheekhii wax soo baray iyo booliiska oo raadinaya dilaaga

Cabdi Cade

Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Midowga Yurub iyo dowlada Itoobiya

Cabdi Cade

Haweeney dil ay u adeegsatay xarig maanta Muqdisho ugu geesatay ninkeeda oo askari ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---