Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay bartamaha magaalada Birmingham ee dalka Britain
Booliska West Midland waxay sheegeen warka ku saabsan werarkaasi uu soo gaaray qayaasti 00:30 fiidkii xilliga magaaladaasi, iyada oo waxyar kaddibna la soo sheegay weerar middiyo oo kale iney dhaceen.
Booliska magaalada Birmingham uu weerarka ka dhacay waxay sheegeen in ugu yaraan hal qof la dilay 7 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkan
Duqa magaalada West Midland Andy Street wuxuu sheegay dhacdada iney xiriir la leedahay tii ka dhacday waddada Hurst Street in la eegi doono.
Wuxuu sheegay ilaa iyo hadda inaan la garan ujeedka weerarkaasi laga lahaa. Maanta ayaana la filaya booliska iney faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com