Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo shaaciyay arin dhacday xili isaga iyo Deni kusii jeedeen Shirkii Dhuusomareeb 3

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta la kulmay guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka ayaa ka hadlay arimo badan xasaasi ah.

Axmed Madoobe ayaa khudbad uu u jeediyay Guddiga joogtada ee Aqalka sare kaga hadlay arimo ay kamid ahaayeen khilaafka dowlada federaalka Soomaaliya, shirkii Dhuusomareeb iyo khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in dowlada federaalka caqabado badan kala kulmayay sanadihii ugu dambeeyay, waxa uuna xusay in dowlada looga baahan yahay in sharciga ilaaliso ayna joojiso waxii xadgudub ah.

Waxa uu sheegay in Muqdisho ugu dambeesay kahor inta aan mar labaad xilka Madaxweynaha Jubbaland loo dooran ,waxa uuna tilmaamay in uu dhufees ku jiray una diyaarsanaa cidii soo hujuumta in uu iska celiyo.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Dhuusomareeb ayaa sheegay in si deg deg ah shirkaasi loo soo xiray loogana soo saaray War Murtiyeed kadib markii la ogaaday in isaga iyo Deni ay kusii jeedaan shirkaasi.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dhaliilay hab dhaqanka madaxda sare ee dowlada gaar ahaan in lakala fadilay labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, waxa uuna ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu hortago Aqalka sare sida uu ugu tago Aqalka Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmahan magaalada Muqdisho u jooga shir la filayo in ay la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya isaga iyo Deni si go’aan looga gaaro doorashada dalka ka dhaceysa 2020-2021.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Saciid Ciise: “Qorshaha Itoobiya waxaa gadaal ka riixaya taageero dibadeed”

Caydiid Ali

Daadad xoog leh oo dad ku dhow Konton qof ku dilay dal ka tirsan Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Costa Rica oo xabsiga dhigtay nin lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.

Caydiid Ali
Taboola Ads ---