Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Finish ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Cabdicasiis iyadoona isla wareegtadaasi lagu magacaabay Gudoomiye cusub.
Cumar Finish ayaana xilka ka qaaday Cali Mahdi Faarax oo bilooyin hayay xilka Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis, waxaana Gudoomiyaha cusub ee degmada Cabdicasiis loo magacaabay Roodo Cali oo kasoo jeeda deegaanada Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalmahan waday isbadal ku aadan maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna Gudoomiyaha xilka ka qaaday qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka isagoona kuwa cusub magacaabay.
Isbadalkan uu Gudoomiyaasha Degmooyinka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ku sameenayo Cumar Finish ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay saameyso Gudoomiyaal Degmo oo qaarkood awood badan isbidayaan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com