Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo fulinaya Shuruud Axmed Madoobe ku xiray iyo Masuuliyiin Muqdisho la keenayo !!

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu xiray shuruudo dhoor ah si uu u furmo shirka looga doodayo arimaha doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday wadahadalada uu Muqdisho u yimid hadii aan miiska lasoo saarin arinta gobolka Gedo, waxa uuna  Farmaajo ku xiray shuruudo ay kamid tahay in Gedo laga soo saaro ciidamada dowlada iyo maamulka aan Jubbaland ka amar qaadan.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay fulinta shuruudan Axmed Madoobe ku xiray , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan gobolka Gedo diyaarad looga soo qaado maamulka Gobolka Gedo u magacawday Dowlada Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyunaha Jubbaland ayaa sidoo kale isla gartay in guddi loo saaro arinta gobolka Gedo gaar ahaan sidii looga soo saari lahaa gobolkaasi ciidankii dowlada geesay dibna loogu celin lahaa maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in shir dib u heshiisiin ah loo qabto dhinacyada isku haya maamulka Gedo si looga fogaado isku dhacyo iyo aargoosi, waxaana arimahaasi gacanta ku haya guddi gaar ah.

Axmed Madoobe ayaa shuruudahan uga faa’iideestay diidmada in uu ka qeyb galo shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale Axmed Madoobe shuruudihiisa in la fuliyo ku taageeray Madaxweynaha Puntland oo isbaheysi leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku qasbaanaday in uu ka tanaasulo qodobo badan kadib cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxaa sidoo kale Madaxweynaha lagu qasbay in uu balaariyo Shirka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari Cadaan ah oo Imaam ka ah Masjid uu doonayay in uu qarxiyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo wada Wadatashiyada dhismaha Xukuumada cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Koonfur Galbeed oo kahor timid Jadwalka Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

Cabdi Cade