Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa xalay Xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka dhaga adeegay in kooxo burcad ahaa ka dhacaan moobeel uu xiligaasi watay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda burcada ah ee jidka u galeen Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabay Axmed Xuseen, wiilka ayaana la sheegay in uu diiday in moobeelka laga dhaco sidaasna ku dileen burcada hubeesan.

Kooxda burcada ayaa dilka kadib wiilka ka qaatay moobeelkii uu watay iyagoona goobta isaga tagay, ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan buracad dilka geesatay.

Xaafada Buulo Xuubey oo kamid aheyd xaafadaha ugu amaanka badan magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo batay kooxha burcada ah ee dhaca u geesta dhalinyarada ku fiidsata guryahooda hortooda iyo kuwa lugeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Garawe iyo barakac magaalada ka socda

Cabdi Cade

Koonfur Afrika oo ka baxeysa heshiiska Maxkamadda ICC iyo Putin oo Sabab u ah

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo shaaciyay in ay is beddeshay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade