Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hadal ka soo yeeray Trump oo caro xooggan ka dhaliyey gudaha Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald trump uu ciidamada Mareykanka ee dagaallada lagu laayey ee qabuuraha ku jira uu ku tilmaamay “kuwo fashilmay oo laga guuleystay” ayaa si weyn looga soo horjeestay.

Madaxweynaha inuu hadalkaasi yiri waxaa markii ugu horreysay qoray wargeyska ‘the Atlantic’. Kaddibna warbixinno hadalkaasi sii xoojinaya waxaa qoray wakaalada wararka Associated Press iyo Foxnews TV.

Hase yeeshee, aqalka cad ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan hadalkaas odhan.

Kooxaha sida weyn uga soo horjeesatay hadalka Madaxweynaha waxaa ka mid ah geesiyada dagaallada ee dalkaasi Mareykanka.

Koox lagu magacaabo VoteVetes waxay baahisay muuqaal ay ku jiraan qoysaska carruurtooda dagaallada lagu laayey, mid ka mid ah dadka muuqaalkaasi ku jirana wuxuu yiri “Ma garaneysid waxa ay tahay naf huridda”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso Magacyada) Todoba xildhibaan oo saaka lagu doortay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo hanjabaad aan horey loo arag u diray Xamaas

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka digay dagaal dhaxmara DFS iyo Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---