Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Sii hayaha Raisul Wasaaraha Somalia & Cali Daahir Ciid? (Sawirro)

Sii hayaha xilka xalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa manta kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dolwad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan Safar shaqo ku jooga Muqdisho.

Laba masuul  ayaa wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sidii dowladda Federaalka ay uga qayb qadan lahayd Horumarinta Galmudug.

Sido kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay wadashaqayn xoggan u dhexmari lahayd Wasaaradaha Xukuumadda Fadaraalka iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa dhankiisa Madaxda Galmudug ku amanay shaqadii wanagsanayd ee ay qabteen mudadi koobnayd ee ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay inay garab u noqon doono horumarada ka socda Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxnimada Saciid Dani oo oo wiiqday rajadii musharaxiin dhowr ah oo raja ka qabay in … !!

admin

Maxkamadda ciidamada oo Dil iyo xabsi ku riday dhallinyaro Tiktokley iyo askar (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirweyne maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa & Farmaajo oo ka qeyb galaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---