Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saakay howlgal qorsheesan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ka fuliyeen deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.
Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan Danab ay wehliyeen kuwa Jubbaland ayaa la sheegay in saakay la wareegeen deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60-km u jira magaalada Kismaayo , waxaana deegaankan gacanta ku hayay kooxda Al Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab isaga baxeen deegaankaasi kahor inta aysan ciidamada maamulka Jubbaland soo galin, waxaana deegaankaasi howlgalo hada kawada ciidamada huwanta ah.
Deegaanka Janaay Cabdalle oo u dhaxeeya magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ayaa Al Shabaab u ahaa fariisin muhiim ah, waxaana Al Shabaab halkaasi ugu yaalay koontarool lacagaha looga qaado gaadiidka u kala gudba Afmadow iyo Kismaayo.
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa marar badan deegaankan Al Shabaab kala wareegay, hasa ahaatee ciidamada ayaana dib uga soo baxayay deegaankaasi iyadoona Al Shabaab mar kale dib ula wareegeesay gacan ku heyntiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com