Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la kulmay Siyaasi la hadal hayo in R/W loo magacaabayo (Sawirro)

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo siyaasadeed u muuqda in uu yahay dhoolo tus .

Guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Madaxweyne Deni ayaa ah mid mashquul badan, waxaana gurigaasi safaf dheer ugu jira siyaasiyiin isugu jira mucaarad iyo muxaafid oo doonaya la kulanka Siciid Deni.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi si weyna hada loo hadal hayo in loo magacaabayo xilka Ra’isul Wasaaraha ayaa xalay gurigiisa ku booqday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Cali Geedi iyo Siciid Deni ayaana yeeshay kulan wada sheekeesi u badnaa, waxa ayna labada nin sidoo kale kawada hadleyn xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan sidii xal looga gaari laha doorashada dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ah siyaasi saaxiibo badan ku leh magaalada Muqdisho, waxaana safarkan uu ku yimid caasimada noqoneysaa kii ugu horeeyay uuku  yimaado Muqdisho tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.

Related posts

Maxkamad dastuuri ah oo soo saartay go’aan farxad geliyey Muslimiinta dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali

Go’aan laga gaaray kiiskii u dhaxeeyay Dowlada Jabuuti iyo DP World

Cabdi Cade

Cunaqabateyn lagu soo rogay shaqsiyaad Sacuudi ah oo ku lug lahaa Dilkii Jamal Khashoggi

Cabdi Cade