Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Shariif Maye oo Xabsi la dhigay xili uu Soomaaliya usoo baxsan rabay 

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay nin asalkiisa Soomaali ah oo  doonayay in uu dalkaasi kasoo baxsado , waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu gaari dil ku geestay

Ninkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Siciid Shariif Maye oo 34-sano jir ah ayaa laga xiray albaabka Garoonka Diyaaradaha ee Washington Dulles International Airport, waxaana ninkan xiliga la qabanayay doonayay in uu ka dhoofo garoonkaasi.

Teleefishinka KSTP-TV ayaa baahiyay in booliiska garoonka Diyaaradaha joogay loo gudbiyay warqada ogolaanshaha xariga Saciid Shariif oo loo heesto in uu geestay kiis dil ah uuna doonayay in uu baxsado.

Saciid Shariif ayaa la sheegay xiliga la qabanayay in uu kusoo jeeday dalka Turkiga uuna doonayay in uga sii gudbo Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa xogtiisa helay booliiska oo gacanta ku dhigay ninkan Soomaaliga ah kahor inta uusan baxsan.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa  lagu tuhunsan yahay dhimashada Idiris Yuusuf oo ah 31-sano jir, kadib markii uu ku dhuftay Gaari marayay qaybta 600 ee wadada Franklin Avenue West 24-kii Agoosto 2020 sida ay ku warameen booliiska Minneapolis.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee la qabtay xili uu baxsad usoo ahaa Soomaaliya ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago si loogu qaado eedaha dambiga loo heesto ee ah in uu dil ku geestay gaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Maxkamad ka hor qirtay inuu kufsaday ka dibna dilay qiyaastii boqol caruur ah

Caydiid Ali

Fanaanad u dhalatay dalka Mareykanka oo qaadatay Diinta Islaamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasaarada Caafimaadka DF oo shaacisay tirada dad cusub oo laga helay Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---