Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Wasiiro iyo Saraakiil katirsan Dowlada Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno katirsan maamulkiisa wafdigiisa  ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga,Arimaha gudaha iyo Taliyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.
 
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada hiil-walaal iyo kuwa Galmudug iskaga kaashan lahaayeen howlgalada lagaga hortagayo alshabaab, iyo in ay dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug.
 
Wasiirada iyo Saraakiisaha dowlada Jabuuti ee kulanka ka qeyb galay ayaa maamulka Galmudug u balan qaaday wada shaqeyn dhaw iyo in ay gacan ka siin doonaan dhinacyo badan sida dhinaca horumarka iyo amaanka.
 
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maalmahan ku sugnaa magaalada Jabuuti ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada dalkaasi.

Related posts

Jabhada TPLF oo magaalo hor leh la wareegtay iyo ciidamada Eretira oo firxad bilaabay

Cabdi Cade

Madaxweyne Golihiisa Wasiirada ka Mamnuucay iney guursadaan hal xaas wax ka badan

Caydiid Ali

Weerar Khasaaro geestay oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---