Waxaa maanta Wasiiro katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada maamulka Puntland qado sharaf ugu sameeyeen magaalada Muqdisho Madaxweynahaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno la socday.
Wasiirada iyo Madaxweynaha maamulka Puntland ayaana qado sharafta kadib yeeshay kulan gaar ah ay uga wada hadlayeen xiriirka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka jira.
Waxa ay sidoo kale Wasiiradan katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland kawada hadleen shirka la filayo in magaalada Muqdisho ku yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo siyaasadeed , waxa uuna magaalada intii uu joogay la kulmay Madaxdii hore ee Soomaaliya qaarkood iyo siyaasiyiin isugu jira Mucaarad iyo Muxaafid.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com