Allbanaadir.com
NEWS

Boorso lagu soo iibsaday lacag ka badan 26-kun oo Dollar oo la bur burinayo iyo Sababta keentay

Ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Australia ayaa gacanta ku dhigay boorso qaali ah oo ka sameesan maqaarka yaxaaska xili haweeney soo iibsatay boorsadaasi ogolaansho la’aan dalkaasi ku galisay.

Boorsadan ayaa lacag ka badan 26-kun oo Dollar  looga soo iibiyay dukaanka Saint Laurent ee dalka Faransiiska, waxaana haweeneyda wadatay boorsadan la qabtay xili ay la galeysay gudaha dalka Australia.

Dalka Australia ayaa sharci ahaan la ogol yahay in loo dhoofiyo waxyaabaha ka sameesan maqaarka Yaxaaska, hasa ahaatee dadka geenaya Australia waxyaabahaasi ayaa laga rabaa in ay helaan warqad ogolaansho ah sidoo kale bixiyaan 70-dollar.

Wasiirka deegaanka ee Australia ayaa sheegay in boorsadan booliisku qabteen in la bur burin doono, waxa uuna xusay in talaabadan tahay mid dadka lagu xasuusinayo in ay qaataan warqada ogolaanshaha iyo bixinta lacagta laga rabo.

Dowlada Australia ayaa go’aansatay in aan talaabo kale laga qaadin haweeneyda leh boorsada la bur burinayo maadaama ay kusoo iibsatay lacag qaali ah, waxaana bur burinta boorsadan qaaliga ah hadal heyn badan ka abuurtay dalka Australia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad kale oo caalami ah oo duulimaad toos ah ku tageysa Muqdisho

Cabdi Cade

Xaalad adag oo ka taagan helitaanka Baasaboorka dalka Sweden ka dib markii..

Caydiid Ali

Dagaal caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---