Allbanaadir.com
NEWS

Dalkii ugu horeeyay oo Afrikaan ah oo Eeyo u adeegsanaya Baaritaanka Caronavirus

Jaamacad kutaala dalka Namiibiya ee dhaca Koonfurta Qaarada Afrika ayaa tababar siineysa eeyo loo diyaarinayo in ay ogaadaan dadka qaba cudurka safmarka ah ee Caronavius.

Eeyahan jaamacada u tababareyso baaritaanka cudurka Caronavirus ayaa qorshuhu yahay in la geeyo garoomada diyaaradaha dalkaasi iyo xuduudaha si ay dadka soo galaya dalkaasi uga baaraan cudurka Covid-19.

Warbixin lasoo saaray ayaa lagu sheegay in eeyuhu 95% ay ku saxan yihiin baaritaanada ay ku sameeyaan dadka qaba coronavirus, waxa ayna talaabadaasi keentay in eeyo hada loo tababaro in ay cudurkaan dadka ka baaraan.

Dalka Namiibiya ayaa noqoya dalkii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo eeyo u tababaraya baaritaanka cudurka Caronaviris, lamana shaacin wali xiliga ay si rasmi ah u howl gali doonaan eeyahan tababarka la siinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Oomaar oo isku bedelay agaasimayaasha Wasaaradiisa & Xog ku aadan Sababta

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Weerar lagu qaaday Hotelka Intercontinental ee kuyaala magaalada …

Cabdi Cade

Golaha shacabka oo kulan yeeshay & dooda qodob xasaasi ah oo bilaabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---