Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho & danjiraha Norwey oo xariga ka jaray qeyb lagu kordhiyey Isbitaalka Dayniile (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan {Eng Yariisow} iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah xariga ugu jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Deyniile ee Gobolka Benaadir.

Qeybtan cusub ayaa ah qeybta Sollar System-ka oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka, waxaana looga maarmi doonaa ciladaha Matoorada iyo shidaalkii ku bixi jiray.

Dowlada Norwey ayaa gacan ka geysatay maalgelinta mashruucan lagu kordhiyey isbitaalka dayniile.

Munaasabada xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabdullaahi Xaashi, Xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka gacanta ku haya Isbitaalka Guud ee Deyniile iyo Masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Mamnuucday in dalka la keeno alaabaha caruurta ku ciyaarto qaarkood (Digreeto)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Saxiixay Labo Siyaasadood (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dhulgariir kale oo ku dhuftay Marooko & dhimashada oo sii dhaaftay.. (Sawirro cusub)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---