Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo la kulmay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha dowladda Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan casho Sharaf ah ugu sameeyey magalada Muqdisho xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Deni ayaa gaar ahaan diirada saaray marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo wakiilada beesha caalamka, siyaasiyiinta mucaaradka, masuuliyiin ka tirsan DF iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkada Kenya Airways oo bilaabeysa Duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi

Cabdi Cade

Gudoomiye Cumar Filish oo eedeymo kulul u jeediyey mid ka mid ah Wasaaradaha DF

Caydiid Ali

Dagaal goor dhow ka qarxay degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---